Liverpool oo jaratay tikitkeeda wareega Afarta ee Champions League kaddib markii ay ka soo gudubtay kooxda Benfica

0
141

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa jaratay tikitkeeda wareega Afarta Champions League kaddib markii ay ka soo gudubtay kooxda Benfica oo ay ku kala baxeen barbardhac 3-3 ah, balse cel celis ahaan waxay ku soo baxeen 6-4, maadaama kulankii lugta hore ay ku soo adkaadeen 1-3.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada Kooxaha Liverpool iyo Benfica ku kala nasteen barbardha 1-1 ah.

Daqiiqadii 21-aad kooxda Liverpool ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay daafacooda Ibrahima Konaté kaddib markii ay caawinta goolkan kara timid saaxiibkiis Konstantinos Tsimikas.

Laakiin 32 daqiiqo marka ay dheesha mareysay ayeey kooxda Benfica dhalisay kooxda Benfica dhalisay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay laacibkooda Gonçalo Ramos.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 55-aad Roberto Firmino oo caawin ka helay saaxiibkiis Diogo Jota ayaa wuxuu hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Liverpool, wuxuuna dheesha ka dhigay 2-1.

Roberto Firmino oo markan caawin ay kaga timid saaxiibkiis Konstantinos Tsimikas ayaa wuxuu hoggaanka u dheereeyay kooxda Liverpool wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3-1.

Balse 73 daqiiqo marka ay dheesha ahayd kooxda Benfica ayaa dhalisay waxaana 3-2 ka dhigay ciyaarta Roman Yaremchuk, waxaana ka caawiyay Álex Grimaldo.

82 daqiiqo kooxda Benfica yaa dhalisay goolka barbardhaca Darwin Núñez oo ay caawin kaga timid João Mário ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-3.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 3-3 ah ay ku kala baxeen labada kooxood Liverpool iyo Benfica, taasoo ka caawisay Reds inay u soo baxaan wareega xiga ee afar dhammaadka tartanka UEFA Champions League, maadaama kulankii lugta hore ay ku adkaadeen 1-3, waxayna cel celis ahaan ku soo baxday 6-4.