Xaqiiqooyinka Kulanka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Semi-Final-ka Euro 2024 Ee Spain Iyo France.

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Spain ayaa garaacay xulka France iyaga oo iska xaadiriyay Final-ka Euro 2024.

Spain ayaa gaadhay guul ay u qalantay iyaga oo ka fiicnaa xulka France kulanka.

Halkan kaga bogo xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulanka:

Lamine Yamal oo 16 sano jir ah ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee ka soo muuqda Semi-final tartan weyn isaga oo dhaafay Halyeeyga reer Brazil ee Pele.

Lamine Yamal ayaa noqday xiddigii ugu d’da yaraa ee dhaliya gool kulan Weyn Euro ama Koob adduun isaga oo jira 16 sano iyo 362 maalin.

Laacibka RB Leipzig ee Dani Olmo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Isbaanish ah ee gool ka dhaliya seddex kulan oo isku xigta oo koobka qaramada Yurub ah.

Spain ayaa ciyaari doonta finalkii ugu horeeyay ee tartan weyn (Euro/Koobka Adduunka) tan iyo 2012, iyagoo noqday xulkii ugu horeeyay ee badiyay lix kulan hal koob oo EURO ah.

Spain ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan iyaga oo diwaan galiyay guulahoodii ugu fiicnaa tan iyo bishii June 2010 markaas oo uu tababare u ahaa Vicente del Bosque (12).