Shiinaha oo caalamka ugu baaqay heshiisiinta Ruushka iyo Ukraine

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa dalalka awoodda ku leh caalamka ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii ay Ruushka iyo Ukraine oo uu dullaan militari ka dhexeeya ay dib ugu billaabi lahaayeen wada hadallo toos ah.

Baaqan ayuu diray xilli uu magaalada Beijing kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Hungary Viktor Orban oo Shiinaha ku joogo safar lagu tilmaamay socdaal nabadeed.
Kulanka Xi Jinping iyo Orban ayaa imaanaya iyadoo uu toddobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha Hungary safarro ku tagay dalalka Ruushka iyo Ukraine.

Waxaa uu mas’uuliyiinta labada dal kala hadlay sida lagu xallin karo colaadda sanadkii saddexaad u dhexeysa xukuumada Kyiv iyo Moscow.

Dowladda Hungary ayaa waxaa bishan Toddobaad u billowday hoggaanka meertada ah ee Midowga Yurub.