Madaxweynaha Liberia oo boqolkiiba 40 dhimay mushaarkiisa

0
16

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dalka Liberia Joseph Boakai ayaa shaaciyay in boqolkiiba 40 la dhimaya mushaarka sanadlaha ah ee uu qaato.

Waxay tani micnaheedu tahay in sanadkiiba uu qaadanayay 13,400 oo doollar balse uu qaadan doono 8,000 oo doollar.

Tani ayaa timid ka dib markii ay shacabka dabagal ku sameeyeen qarashaadka ku baxo mushaaraadka dowladda Liberia iyo in ay sii korortay qanacsanaan la’aanta la xiriirta qiimaha maciishadda.

Xafiiska madaxweyne Boakai ayaa sheegay inuu rajeynaya in tallaabadan ay gogol-xaar u noqon doonto maamul xilkas ah iyo muujinta garab istaagga shacabka Liberia
Waxaa horay mushaarkiisa boqolkiiba 25 u dhimay madaxweynihii hore ee Liberia George Weah.

Tallaabada uu madaxweynaha Liberia boqolkiiba 40 ku dhimay mushaarkiisa ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay.

In kastoo qaar ka mid ah shacabka ay bogaadiyeen haddana qaar kale ayaa su’aal gelinaya waxa ay tani soo kordhinaysa maadaama uu weli helaya faa’iidooyin dheeraad ah sida gunnooyin iyo caymis caafimaad.

Sidoo kale hoggaamiyaha Liberia ayaa ballanqaaday in si cadaalad ah loo maareyn doono bixinta mushaaraadka shaqaalaha dadweynaha.