Taageerayaasha Bayern Munich Oo Man United Ka Hor Istaagaya Saxiixa Mattijs de Ligt, Qaab Noocee Ah.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Taageerayaasha kooxda Bayern Munich ee lagu soo waramayaa in ay Man United ka hor istaagayaan saxiixa daafaca Mattijs de Ligt.

Man United ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Bayern Munich ee Mattijs de Ligt si ay ugu xoojiyaan daafacooda xilli ciyaareedka cusub.

Si kasta ha ahaatee Taageerayaasha Bayern ayaa la yimid qorshe ay ku hor istaagayaan ka tagista Mattijs de Ligt ee Kooxda.

Shabakada Sky Sport ayaa sheegtay in ay Taageerayaasha Bayern Munich diyaarinayaan olole ay ku hor istaagayaan bixitaanka Mattijs de Ligt.

Sida laga soo xigtay shabakada, ku dhawaad 60 kun oo Taageerayaasha Bayern ah ayaa saxiixay codsi ay Maamulka Bayern uga codsanayaan in ayna iibin daafaca.

Mattijs de Ligt ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United.