Xulka Spain Oo Garaacay Germany Iskana Xaadiriyay Semi-Final-ka Euro 2024.

0
9

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka Spain ayaa reebay xulka Marti galiyay Tartanka Euro 2024 ee Germany.

Kulanka ayaa ahaa mid ay isku haleeleen xulalka ugu fiican tartanka ilaa haatan.

Kulanka ayaa ku bilowday mid uu xulka Spain ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo weeraro ku qaadayay xulka Germany.

Xulka Germany ayaa dhinacooda helay fursado ay ku halis galiyeen xulka Spain.

Xulka Spain ayaa daqiiqadii 51-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dani Olmo.

Xulka Germany ayaa raadinayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 119-aad ayuu xulka Spain dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Mikel Merino kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Spain tartanka Euro 2024 ka reebay xulka Marti galiyayaasha ee Germany.