Xulka Germany Oo Garaacay Xulka Hungar Iskana Xaadiriyay Wareega Xiga Ee Euro 2024.

0
29

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xulka qaranka Germany ayaa guul ka gaadhay xulka Hungary kulan ka tirsanaa Euro 2024.

Xulka Hungary ayaa ciyaarayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galiyeen xulka Germany bilowgii ciyaarta.

Xulka Marti galinaya tartanka Euro 2024 ee Germany ayaa si dar-dar leh ku bilowday kulanka.

Daqiiqadii 22-aad ayuu xulka Germany dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Jamal Musiala kaas oo ciyaarta dhigay 1/0.

Xulka Germany ayaa si waday dadaalada ay ku doonayaan in ay ku dhaliyaan goolal.

Qaybtii dambe ayuu xulka Germany sii waday weerarada aan kala joogsiga lahayn.

Daqiiqadii 67-aad ayuu xulka Germany dhaliyay goolka 2-aad waxana uu ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Germany ku badiyay 2/0