Slot oo Sheegay Xiddigii Ugu Horeeyay Ee Uu La Xidhiidhay Markii Loo Magacaabay Tababaraha Liverpool.

0
28

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Macalinka kooxda Liverpool ee Arne Slot oo u dhashay dalka Holland ayaa wareysi dheer la yeeshay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Slot ayaa sheegay xiddigii ugu horeeyay ee uu la xidhiidhay kadib markii loo magacaabay tababaraha cusub ee kooxda.

Tababare Slot ayaa shaqada ka badalaya Jurgen Klopp waxana uu bilaabi doonaa shaqada kooxda bilowga bisha soo socota.

“Waxaan la xiriiray dhowr ciyaartoy markii aan noqday tababarha kooxda laakiin dhamaan lama hadlin maadama lagu mashquulsanaa macasalaamaynta Klopp”.

“Ciyaartoygii ugu horeeyay ee aan la hadlay waa Van Dijk sababta oo ah waxa aan ku wada hadalanaa luuqada Holland sidaas darteed way fududayd”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Kadibna waxa aan la xidhiidhay dhawr ciyaartoy oo kale laakiin dhamaantood lama hadlin sababta oo ah waxa ay xulalkooda kala qayb galayaan tartamada caalamiga ah”.