Jose Mourinho Oo Saadaaliyey Euro 2024, Abaal-marinta Ballon d’Or Iyo Xiddiga Yurub Ee Sannadkan

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jose Mourinho ayaa sameeyey saadaal dhamaystiran oo sannadkan socda, waxaana uu sii magacaabay xulka ku guuleysanaya tartanka qaranka Yurub ee Euro 2024, laacibka noqonaya xiddiga tartanka Yurub iyo sidoo kale xiddiga ku guuleysanaya abaal-marinta Ballon d’Or.

Sannadkan 2024, waxa dhacaya laba tartan oo waaweyn waana ciyaaraha qaramada Yurub ee Euro 2024 iyo Latin America ee Copa America, waxaana labadan tartan ka kala dheelaya ciyaartoyda loogu hadal-haynta badan yahay ee ku dagaallami doona abaal-marinta Ballon d’Or.

Jose Mourinho ayaa waxa uu niyadda ka jabiyey xulka qaranka England oo uu u sheegay in aanay xisaabtooda ku darsanin inay soo afjarayaan abaarta koobab la’aanta ee 58-jirsatay, waxaana uu koobka u hadiyeeyey xulka qarankiisa Portugal isaga oo sidoo kalena daaqadda ka tuuray Faransiiska.

Portugal oo koobka qaramada Yurub ku guuleystay sannadkii 2016, ayaa waxa uu Jose Mourinho tilmaamay inuu Cristiano Ronaldo markiisii labaad gacanta ku dhigi doono, waxaanu yidhi: “Portugal, France iyo England ayaa ah saddexda ugu cadcad, laakiin haddii ba ay dhacdo cid aan iyaga ahayn inay ku guuleysato waxa uu noqon doonaa Germany”

Waxa uu intaa kusii daray: “Aniga waxay ila tahay in Portugal ku guuleysanayo.”

Mar la weydiiyey qofka uu noqon doono xiddiga tartanku waxa uu yidhi: “Kabta dahabka ah ee gool-dhalinta waxa ku guuleysan doona Harry Kane, xiddiga tartanku waxa uu noqon doonaa Jude Bellingham, xiddiga sannadka ee helaya Ballon d’Or na waa Vinicius Junior.”