DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Ka Tegaya Manchester City

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ka tegaya kooxdiisa Manchester City oo uu u qaaday lix horyaal oo Premier League ah toddoba sannadood oo oo laylinayey, taas oo ugu dambayntii uu suuqa u gelaysa sidii ay u heli lahayd beddelkiisa.

Pep Guardiola oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey si isku-xigta u qaaday horyaalka Premier League oo midkii ugu dambeeyey toddobaad ka hor la guddoonsiiyey, ayaa waxa uu ku wargeliyey kooxdiisa in uu soo dhamaaday waqtigiisii Etihad Stadium.

Sannadkii 2016 ayuu Pep Guardiola yimid Etihad Stadium oo uu noqday tababaraha Manchester City oo uu ugu dambayntii hadda u sheegay in waqtigiisii la gaadhay.

Wargeyska Daily Mail oo xogtan faafiyey ayaa waxa uu sheegay, in Pep Guardiola uu la wadaagay maamulka kooxdiisa, in uu dhamaysan doono sannadka ka hadhsan qandaraaskiisa oo ka dhigan inuu xilli-ciyaareedka dambe sii joogi doono balse 12 bilood kaddib uu ka xidh-xidhan doono oo ay haddaba tahay inay kasii shaqeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen ciddii u beddeli lahayd.

Guardiola oo intii uu joogay Man City u qaaday 15 koob oo ay ku jiraan lix Premier League iyo Champions League, ayaa waxa ay Man City durba isku dayaysaa inay la xidhiidho afar tababare oo ay midkood ka dhigan doonaan beddelkiisa.

Dookha koowaad ee Man City ayaa lagu sheegay inuu yahay tababaraha Girona ee Michel, macallinka xulka qaranka Germany ee Julian Nagelsmann, tababaraha Bayer Leverkusen ee Xabi Alonso iyo macallinka iska casilay Brighton ee Roberto De Zerbi.