Bruno Fernandes Oo Noqday Ciyaartoygii Koowaad Ee Ka Hadlay Mustaqbalka Erik Ten Hag

0
42

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ka hadlay mustaqbalka tababare Erik ten Hag oo la sheegayo in shaqada laga caydhinayo inkasta oo ay ku guuleysteen tartanka FA Cup.

Manchester United ayaa 2-1 ku garaacday Manchester City oo ku guuleysatay koobkii labaad muddo laba sannadood ah oo uu laylinayo Erik ten Hag, waxaana libintan ka caawiyey Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo oo labada gool u kala dhaliyey, halka Manchester City uu waqti dambe gool madi ah u saxeexay jeremy Doku.

Guushan ayaa timid iyadoo Jimcihii uu wargeyska The Guardian sheegay, in tababare Erik ten Hag ay qoran tahay warqaddiisu oo aanay badbaadin doonin guusha FA Cup, isla markaana lagu samayn doono sidii ay Man United ka yeeshay louis van Gaal oo sannadkii 2016 la eryey maalmo kaddib markii uu u qaaday FA Cup.

Bruno Fernandes oo la hadlay warbaahinta kaddib markii ay ciyaartu dhamaatay ayaa la weydiiyey haddii tababare Erik ten Hag shaqada laga caydhinayo, waxaanu ku jawaabay: “Ten Hag waxa maanta waxa uu leeyahay xuquuq kasta oo uu kusii joogayo. Ciyaar kasta si fiican ayuu noogu diyaariyaa, mararka qaarkood ay noo shaqaysaa xeeladdu marmarna nooma shaqayso.

“Hadda kaliya waxa aanu doonaynaa in aanu dabbaal-degno. Waxa aanu doonaynaa in aanu ku raaxaysano guushan, in aanu taageereyaasha iyo shaqaalaha tababarka la faraxno. Dhamaantayo waanu u qalannaa guushan.

“Anigu ma ihi qofka go’aaminaya mustaqbalka Ten Hag. Anigu waxa aan ahay kaliya ciyaartoy kubadda cagta ah.”