MA DURBA? Arne Slot Oo Dalbaday AFAR Ciyaartoy Oo Uu Dib Ugu Dhisayo Liverpool

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha cusub ee Liverpool ee maanta sida rasmiga ah loogu dhawaaqay ee Arne Slot ayaa durba dalbaday afar ciyaartoy oo uu sheegay inuu sees uga dhigayo dibu-dhiska uu ku samaynayo kooxdiisa cusub ee Liverpool, taas oo toddobaadkan ay laba ciyaartoy macasalaameeyeen, waana Thiago Alcantara iyo Joel Matip.

Arne Slot ayay Liverpool u magacowday tababaraheeda cusub ee beddelaya Jurgen Klopp kaddib markii ay waayeen Xabi Alonso oo ahaa dookhooda koowaad.

Sida uu qoray wargeyska The Telegraph, tababare Slot ayaa maamulka kooxdiisa Liverpool waxa uu u gudbiyey afar ciyaartoy oo uu ku tilmaamay inay yihiin seeska uu dhoonayo inuu binada uga dhigo dhismaha kooxda, kuwaas oo uu xusay in loo baahan yahay in heshiisyo cusub laga saxeexo.

Ciyaartoydan oo hore usii joogtay Anfield ayaa kala ah Darwin Nunez oo saluug badan dhinaca gool-dhalinta ah laga muujinayey laba sannadood oo uu u ciyaarayey Liverpool, Mohamed Salah oo qandaraasiisa uu sannad ka hadhsan yahay, Alexander Arnold oo 12 bilood kaddib xor ka noqonaya Anfield iyo Virgil van Dijk oo isaguna ku jira duruufta Salah iyo Alexander-Arnold oo kale.