Shir looga hadlayay Mashruuca sugnaanta cuntada iyo u adkaysiga cimilada oo lagu qabtay Kismaayo

0
88
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland Ayaanle Xuseen Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulan lagu daahfurayey Mashruuca sugnaanta cuntada iyo u adkaysiga cimilada.
Daahfurka mashruucan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimeyaal ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Jubbaland, Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland, Wakiilo ka socday hay’adaha mashruuca fulinaya iyo qaar ka mid ah bulshada deegaanada Goobweyn iyo Luglow ee dhaca waqooyiga magaalada Kismaayo.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya