Gargaar ku wajahan Galmudug iyo SSC-Khaatumo oo laga diray Dekada Muqdisho.

0
89

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee Sodma Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa Dadkedda Magaalada Muqdisho Maanta ka sagootiyay gar gaar raashin oo qeyb ka ah deeqaha Dowlada Ruushka ugu deeqaday Shacabka Soomaaliyeed ay saameeyeen Fatahaadaha El-nino.

Gar gaarkan ayaa ku wajahan Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug iyo sido kale Maamulka Khaatumo.

Guddoomiyaha Hay’adda Sodma Maxamuud Macalin Cabdulle oo la hadlay saxaafada ayaa Sheegay in deeq bixiyayaasha iyo Dowladaha Saxiibka la ah Soomaaliya ay si Weyn uga soo jawaabeen baaqyada Gurmadka Gurmadka islamarkaana Hay’adda Sodma ay soo gaarsiiyeen Raashin ku filan Gobolada Dalka oo dhan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya