1.5 milyan oo qof oo ku barakacay Qaza.

0
73

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa weerarrada ay Israa’iil ka wado gudaha Qaza hooy la’aan ku noqday 1.5 milyan oo qof.

Xafiiska arrimaha warbaahinta ee Qaza ayaa arrinkan shaaca ka qaaday
Waxaa duqeymaha lagu burburiyay boqolkiiba 70 ee guriyaha halkaasi ku yaalla.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo golaha wasiirrada ee Israa’iil lagu wado inay yeeshaan fadhi ku saabsan qorshaha maxaabiista la isku dhaafsanaya.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa wacad ku maray inuu sii socon doono duullaanka militari
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkan, waxaa Qaza lagu dilay ugu yaraan 21,672 qof halka 56,165 kalena la dhaawacay.