DEG-DEG: Paulo Maldini Oo Laga Caydhiyey AC Milan

0
46
TURIN, ITALY - OCTOBER 30: Paolo Maldini during the Serie A match between Torino FC and AC Milan at Stadio Olimpico di Torino on October 30, 2022 in Turin, Italy. (Photo by Stefano Guidi/Getty Images)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa eriday halyeygeedii Paolo Maldini oo ahaa agaasimaheeda sannadihii ugu dambeeyey, maalmo kaddib markii uu qayb libaax ka qaatay in heshiis cusub uu saxeexo Rafael Leao oo uu ku qanciyey in uu sii joogo San Siro Stadium.

Guddoomiyaha AC Milan ee Gerry Cardinale ayaa la sheegay in uu qaatay go’aanka ah in shaqada laga eryo Paolo Maldini iyo ku-xigeenkiisii Ricky Massara, balse lama sheegin sababta keentay in shaqada laga caydhiyo.

Gerry Cardinale oo ka mid ah mulkiileyaasha kooxda, sidoo kalena maamula naadiga ayaa u yeedhay Maldini iyo Massara, waxaana uu ku wargeliyey in aanay sii wada shaqayn doonin oo ay tahay inay iskaga tagaan kooxda, sida ay warbaahinta Talyaanigu sheegtay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta loo eryey Maldini, balse waxa la sheegay in Cardinale uu markii hore u sheegay in ay iscasilaan oo ay iyaguna diideen, taas beddelkeedana si caddaan ah uu Carinale shaqada uga eyey.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in dhinacyadu isla qaateen in Maldini iyo Ricky Massara ay iskaga tagaan kooxda oo ay iscasilaadda qoraan, hase yeeshee wargeysyada Tuttosport iyo Calciomercato ayaa ku warramaya in la eryey oo aanay iyagu iscasilin.

Paulo Maldini oo noloshiisa oo dhan kusoo qaatay AC Milan oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay, kagana fadhiistay ciyaaraha ayaa waxa xilka agaasimaha loo magacaabay sannadkii 2018, waxaana hadda booska uu banneeyey isku ballaadhin doona Giorgio Furlani oo hore u ahaa guddoomiye ku-xigeenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here