Sababtii Uu La Ooyey Pep Guardiola Kaddib Guushii FA Cup Oo La Shaaciyey

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Pep Guardiola ayaa ilmada xajiksn waayey markii ay kooxdiisa Manchester City ku guuleysatay tartanka FA Cup ee ay finalkii galabta ku garaacday Manchester United, taas oo u xaqiijisay in ay hal tallaabo u jiraan saddexlay koobab ah oo ay kaliya ka xigto inay ka adkaadaan Inter Milan.

Pep Guardiola oo ay kooxdiisu hore ugu guuleysatay horyaalka Premier League ayaa ku darsatay FA Cup, waxaanay hadda bilaabi doonaan inay isku diyaariyaan finalka Champions League ee Istanbul ay ku ballansan yihiin Inter Milan.

City oo sannadki 2021 timid finalka Champions League markii ugu horreysay taariikhdeeda oo ay Chelsea ka qaadday, ayaa waxa hadda uu yahay riyada iyo shaqada kaliya ee u hadhsan Man City.

Tababare Pep Guardiola aya markii ay ciyaartu dhamaatay waxa si lama filaan ah uu garoonka dhaxdiisa u qabsaday oohin, waxaanay ilmadu ka qubanaysay isaga oo garabka  haysta Ilkay Gundogan oo ahaa geesiga labada gool u dhaliyey ee ku suntana guushan.

Sababta uu la ooyey oo la weydiiyey ayaa waxa uu ku sheegay farxad, waxaana isaga oo BBC La hadlaya oo walia ooyaya uu yidhi: “Aad ayaan u faraxsanahay. Hadda waxaynu markii ugu horreysay ka hadli karaynaa saddex koob ‘Treble’ (Premier League, FA Cup iyo

“Ciyaartii Man United waxay mid cajiib ah u ahayd magaaladayada iyo taageereyaashayada, run ahaantiina si aad yo aad u fiican ayaanu u ciyaarnay.”

Tababaraha reer Spain ayaa sidoo kale ammaan kula dul-dhacay kabtanka kooxdiis aee Ilkay Gundogan oo qandaraaaskiisu uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana uu yidhi: “Xilli-ciyaareed fiican ayuu soo qaatay. Xirfaddiisu halkaas ayay na gadhsiisay, waxaase uu leeyahay maskax cajiib ah.

“Marka aad haysato ciyaartooyo sidaas oo kale ah u ciyaari karaya sidii ay ciyaar saaxiibtinimo dheelayaan, sidan oo kale cadaadiska ula tacaala, kana dhigta maad waxa aad noqonaysaan koox aad iyo aad u wanaagsan. Haddii kale maba aanaan guuleysaneen.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here