Mareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka dhan ah dadka soo galootiga ah

0
102

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa gaaray heshiis ay kaga hortagayaan dadka magangelyo doonka ah ee ka taallabayo xuduudaha aan rasmig aheyn ee dalalkaas kuwaasoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku qulqulayay xuduudda Mareykanka iyo Canada, sida ay sheegeen saraakiisha.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska xilli Biden uu booqasho ku tagay Canada.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu u ogolaado saraakiisha labada dhinac ee ku sugan xuduudka inay dib u celiyaan dadka magangalyo-doonka ah ee u socda Mareykanka iyo Canada.

Dhinaca kale, Maraykanka waxaa sare u kacday tirada dadka soo galootiga ah ee kasoo tallaabaya dhinaca Canada.