Napoli Oo Ugu Dambayn Kooxaha Yurub U Yeedhisay Qiimaha Ay Kaga Samrayso Victor Osimahen.

0
108

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda ree Talyaani ee Napoli ayaa ugu dambayn kooxaha Yurub ee weeraryahankeeda Victor Osimahen ka doonaya u yeedhisay qiimaha kaliya ee suuqa xagaaga ku sababi kara inay iibkiisa ka fikirto.

Osimahen ayaa ah weeraryahanka haatan loogu doonista badan yahay qaarada Yurub isagoo xilli ciyaareed heer kale ah oo uu 25 gool dhaliyay ku qaadanaya kooxda Talyaaniga ah oo 19 dhibcood oo nadiifa ku haysa hoggaanka horyaalka Serie A.

Kaddib wakhtiga wanaagsan ee uu dhexda kaga jiro, Napoli ayaa lagu wadaa inay xagaaga hesho dalabaad badan oo lagaga doonayo balse qiimo aad u qaali ah ayay iibkiisa dul-dhigtay sida lagu sheegay il-wareedka II Mattino.

Napoli ayaan wax cadaadis ahi ku saarnayn inay iibiso Osimahen maadaama heshiiskiisa kooxdu yahay mid dhacaya xagaaga 2025, madaxweyne Aurelio De Laurentiis ayaa la sheegay inuusan xiisaynayn dhagaysiga qiimayaasha ka hooseeya 150 Milyan oo pound.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Osimahen jeclaan lahaa ku biirista Manchester United oo muhiimadeeda koowaad ee xagaaga ka dhigatay saxeexa weeraryahan cusub balse lacagta kooxdiisu ku dalbanayso iibkiisa dib u celin karto xiisihii Red Devils.
Erik Ten Hag ayaa suuqa xagaaga ka doonaya saxeexa gool-dhaliye ka caawiya inuu soo yareeyo farqiga Arsenal iyo Manchester City oo ah kooxaha u tartamaya Premier League xilli ciyaareedkan.

Man United ayaa sidoo kale doonaysa dhaliyaha Tottenham ee Harry Kane laakiin Spurs ayaa 100 Milyan oo pound oo waliba hal mar la wada bixiyo iyaguna ku doonaya 29 sano jirkaas.