Manchester United Oo Usoo Baxday Semi-finalka FA Cup, LABADII Casaan Ee Dilay Fulham Iyo Kooxda Ay Red Devils Ku Dhacday.

0
114

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa usoo gudubtay wareegga laba-dhamaadka tartanka FA Cup, kaddib markii ay guul waqti dambe ah ka gaadheen sagaal ciyaartoy oo Fulham ah iyadoo saddex casaan uu daqiiqado gudaheed bixiyey garsoore

Rikoodhe uu u dhaliyey Bruno Fernandes, Marcel Sabitzer oo mid labaad ku daray iyo fernN ayaa Manchester United siiyey guushan, halka Fulham oo bilowga qaybta labaad uu gool u dhaliyey Alexander Mitrovic uu casaan kaga baxay ciyaarta.

Labada kooxood ayaa si adag u xafiiltamay qaybtii hore, balse ku guul-darraystay inay wax goolal ah kala dhaliyaan, laakiin markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay toban daqiiqadood socotay ayay Fulham gool uu u dhaliyey Mitrovic la hormartay.

Beddelkii dahabka ayaa ayaa Manchester United ay heshay qaybtii dambe, waxaana usoo galay Antony oo noqday xiddiga guushan weyn sababta ugu ahaa Manchester United.

Kubbad uu kala soo baxsaday difaaca ayuu meel cidlo ah u dhigay Jadon  Sancho oo isaguna usii gooyey goolhayaha kaddibna ku toogtay goolka, waxaase kubaddaas gacan ku qabtay Willian oo kaadh casaan ah ku baxay.
Waxa kale oo isla daqiiqaddaas laga saaray Fulham weeraryahankooda Mitrovic oo riixay garsooraha isaga oo ka gadoodsan casaanka la siiyey Willian iyo rikoodhaha lagu dhigay.
Garsoore Christopher Kavanagh ma aanu muujin wax naxariis ah, waxaanu sidoo kale kaadh casaan ah siiyey tababare Marco Silva, taas oo keentay in saddex shaqsi oo muhiim ah ay hal mar ka baxaan Fulham.

Bruno Fernandes ayaa gool u beddelay rikoodhaha loo dhigay kooxdiisa daqiiqaddii 75aad waxaanu dhinaca qaldan u diray goolhaye Leno.

Laba laba daqiiqadood kaddib ayay Manchester United sii dheeraysatay hoggaanka waxaana gool labaad u dhaliyey Marcel Sabitzer.

Iyadoo dhamaadka ciyaarta loo diyaar-garoobayo ayuu Fred kubbad usii daayey Bruno Fernandes oo isaguna gool u beddelay sidaas ayay ciyaartuna ugu soo dhamaatay 3-1.

Manchester United ayaa waxay semi-finalka FA Cup la ciyaari doontaa Brighton & Hove Albion, halka Manchester City ay iyaduna ku dhacday Sheffield United, iyadoo labada soo badiya ay iskugu iman doonan finalka lagu qabanayo Wembley.