Man City Oo Ciqaabtay Leipzig Xilli Haaland Taariikhda Champion-ka Isku Qoray.

0
127

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Man City ayaa xaquuqday kooxda RB Leipzig iskana xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Man City ayaa xasuuqday kooxda reer Germany kulan dhinac kaliya ahaa oo ay Man City wax walba ka samaysatay.

Kooxda RB Leipzig ayaa bilowgii ciyaarta iska caabisay Man City iyaga oo isku dayay in ay ka yaabsadaan kooxda Man City.

Man City ayaa daqiiqadii 22-aad heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Erling Haaland kaas oo gool u badalay rikoodhada hogaankana u dhiibay kooxdiisa.

City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 24-aadba dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Erling Haaland kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Kooxdiisu ku hogaaminayso.
Haaland ayaa sii waday wacdarihii uu dhigayay waxana daqiiqadii 45+2-aad dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta kana dhigay 3/0 ay City ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City wakhti horeba dishay ciyaarta hurdo dheer-na u dirtay ciyaarta.

Qaybta dambe ayay Man City sii waday wacdaraha ay dhigayso iyaga oo doonayay in ay sii wadaan goolasha ay doonayeen in ay dhaliyaan.

Xiddiga Ilkya Gundogan ayaa daqiiqadii 49-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay 4/0 ay City ku hogaaminayso ciyaarta.

Daqiiqadii 53-aad ayay Man City dhalisay goolka 5-aad waxana u dhaliyay Haaland oo dhaliyay goolkiisii 4-aad ee ciyaarta iyo goolkii 5-aad ee kooxdiisa.

Haaland ayaa mar kale soo laabtay waxana uu goolkiisii 5-aad dhaliyay daqiiqadii 57-aad isaga oo ciyaarta ka dhigay 6/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.

Wixii Intaas ka dambeeyay Man City ayaa is badal weyn ku samaysay shaxdeeda iyada oo uu Guardiola nasiiyay xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa ka hor kulanka FA Cup-ka ee todobaadka dambe.

Xiddiga Kevin De Bruyne ayaa dhaliyay goolka 7-aad ee kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 7/0 ay Man City ku gaadhay guul taariikhi a champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here