Man United Oo Go’aan Cad Ka Gaadhay Haddii Ay Racfaan Ka Qaadanayso Casaankii Casemiro.

0
77

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Manchester United ayaa la sheegayaa inay go’aan ka qaadatay haddii ay doonayso inay racfaan ka qaadato kaadh casaankii uu halbawlaheeda khadka dhexe ee Casemiro ku qaatay kulankii Southampton.

Brazilian-kaas ayuu tababare Anthony Taylor kaas cas u taagay 11 daqiiqo kahor intii aan wakhtiga nasashadu dhicin kulankii ay barbardhaca goolal la’aanta ah Old Trafford kula galeen Southampton.

Taylor ayaa marka hore qaladka uu Casemiro galay ku siiyay kaadh jaale ah balse garsooraha VAR fadhiyay oo ahaa Andre Marriner ayaa u wacay isagoo u sheegay inuu dib u daawado dhacdadaas oo go’aankiisii hore bedelo.

Marriner ayay taageerayaasha Man United si weyn u dhaliileen kaddib go’aanka uu VAR ugu wacay garsooraha maadaama oo uusan hal kaadh casaan sababin kulankii Sabtidii ee Chelsea v Leicester City markaas oo qaladaad dilaa ah xiddigaha Foxes sameeyeen.

Sida uu sheegayo wargeyska Manchester Evening News, Man United ayaa gaadhay go’aanka ah inaysan wax racfaan ah ka qaadan casaankii Casemiro, warkan ayaa naxdin ku ah taageerayaasha Manchester.
Casemiro ayaa seegi doona kulanka afar dhammaadka FA Cup ee Fulham iyo kulamada horyaalka ee Newcastle United, Brentford iyo Fulham.

Man United ayaa awooday inay dhibic ka hesho kulankaas oo ay badi 10 ciyaartoy ku ciyaaraysay balse waa ciyaartii labaad ee xidhiidh ah ee ay horyaalka dhibco lumiyaan.

Erik Ten Hag ayaa kulanka kaddib ku dooday in garsooruhu kulanka saameeyay isagoo qabay inay rigoore mudnaayeen.

Image