Sababtii Uu Goolhayaha Man City Ederson U Xirtay Sigsaan Ama Sharaabaad Crystal Palace Ah Kulankii Shalay Oo La Sharaxay.

0
88

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Goolhayaha Manchester City Ederson ayaa xirtay sharaabaad ama sigsaan Crystal Palace ah kulankii ay shalay Man City ka badisay Crystal Palace taasoo hadal-heyn ka dhalisay baraha bulshada.

Goolhayaha reer Brazil ayaa shabaqa ilaashaday iyadoo Manchester City ay soo yareysay farqigii hogaanka horyaalka ee Arsenal oo ay ka dhigeen labo dhibcood.

Erling Haaland aya adhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta oo rigoore ahaa, wuxuuna goolkiisii 28aad ee horyaalka ee 26 kulan uu saftay.

Laakiin hadal-heynta ciyaarta waxaa ugu weyneyd in goolhayaha Man City Ederson uu xirnaa sharaabaad ama sigsaanta martida ee Crystal Palace intii ay ciyaarta socotay oo dhan.

Waxaa lagu sawiray isagoo xiran sharaabaada Crystal Palace ka hor ciyaarta iyo intii ay ciyaarta socotayba taasoo hadal-heyn ka dhalisay baraha bulshada.
29 jirkaan ayaa lagu qasbay inuu xirto sharaabaada caadaanka ah ee Crystal Palace madaama sharaabaada ama sigsaanta goolhayaha Man City ay buluug tahay oo ay ku midab noqoneyso midabada sharaabaada ama sigsaanta maaliyada 1aad ee Crystal Palace.

Madaama ay labada sharaabaad ee isku midabo yihiin, waxaa lagu qasbay goolhayaha Man City inuu iska bedelo sharaabaada ama sigsaanta, waxaana uu mid ka amaahday kooxda ay martida u ahaayeen ee Crystal Palace oo siisay sharaabaadooda ama sigsaantooda kulamada martida.

Baraha bulshada ayaa looga maadeystay arintaan iyadoo la tilmaamay in Ederson uu u dhaqmay sida ciyaar xaafadeed oo qof walba uu iska xirto wixii uu doono.