Jurgen Klopp Oo Ka Hadlay Bahdilkii Kooxdiisa Liverpool U Geysatay Man United.

0
98

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay guuldarradii fadeexada ahayd ee ay Manchester United oo Anfield kusoo booqatay xalay dhabarka u saareen.

Liverpool ayaa kooxda tababare Erik Ten Hag gaadhsiisay guuldarradeedii abid ugu weyneyd halka ay ka gaadheen iyagu guushoodii ugu weyneyd ee kulamada dhexmara.

Tababare Klopp ayaa xilli ciyaareedkan dhibaatooyin lasoo maray Liverpool isagoo ka cadhaysnaa qaabka aysan joogtayn u lahayn ciyaartoydiisu balse arkay xalay kooxdiisa oo jiid-jiidaysa Red Devils.

Klopp oo kulanka kaddib hadlay ayaa sheegay in Man United xilli ciyaareed fiican qaadanayso balse kulanka labada kooxood u dhaxeeya aysan waxba ka ahayn xaaladaha labada dhinac ku kala jiraan.

“Erayo aan idhaahdo ma jiraan, kulan kubadda cagta ah oo cajiib ah. Kubad heer sarre ah ayaanu la ciyaarnay koox xaalad wanaagsan ku jirta, qaybtii hore waxyar ayay waali ahayd qaab aanan doonayn, kaddib waxaanu dhalinay goolkan cajiibka ah, ala muxuu baas ahaa, ala muxuu dhammaystir ahaa”.
“Qaybtii dambe bilawgu aad ayuu u fiicnaa, waxkasta aad ayay u fiicnaayeen. United xilli ciyaareed wanaagsan ayay qaadatay anagu kuma faraxsanin xilli ciyaareedkayaga balse kulankan taasi muhiim maaha”.

“Saddex dhibcood oo muhiim ah, waa muhiim inaanu dhab ahaan qaab wanaagsan u ciyaarno, qaab ciyaareed cajiib ah oo qofkasta ka yimid”.

Biggest loss in 90 years for Man U in 7-0 rout at Liverpool | Pro Sports |  columbiamissourian.com