HORDHAC: Man City v Newcastle – Magpies Oo Rajada Sky Blues Ee Horyaalka Dili Kara, Shaxaha & Xogaha Kulanka.

0
102

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa galabta gegida Etihad Stadium kula ballansan kooxda Newcastke United kulan saamayn kara tartanka horyaalka Premier League loogu jiro.

City ayaa haatan shan dhibcood ka dambaysa hoggaamiyayaasha Arsenal, dhibco kale oo ay lumiyaan ayaa quus ka dhigaya rajadooda difaacashada Premier League.

Wararka Labada Kooxood

Labada daafac dhexe ee John Stones iyo Aymeric Laporte oo maqnaa kulamadii ugu dambeeyay ayaa soo laaban kara maanta taas oo ka dhigan in Pep Guardiola heli karo saf buuxa.

Walker, Dias iyo Ake ayaa la filayaa inay markale daafaca kusoo wada bilawdaan waxaana doorka labada No.6 dheeli kara Gundogan iyo Rodri.
Phil Foden oo qaab ciyaareed wanaagsan ku jiray kulamadii ugu dambeeyay ayaa garabka bidix kala bixi kara Jack Grealish isagoo weerarka la dhammaystiraya Haaland iyo Mahrez.

Newcastle waxa taam buuxa u ah Bruno Guimaraes oo Finalkii Carabao Cup dhaawac fududi cagta ka gaadhay halka sidoo kale goolhaye Nick Pope oo casaan ku maqnaa kulankaasi uu diyaar yahay.

Shaxaha Macquulka Ah

Man City (3-2-4-1): Ederson; Walker, Dias, Ake; Gundogan, Rodri; Mahrez, Silva, De Bruyne, Foden; Haaland

Newcastle United (4-3-3): Pope; Trippier, Schar, Botman, Burn; Longstaff, Guimaraes, Joelinton; Gordon, Isak, Saint-Maximin

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 3:30 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Simon Hooper

Garoonka: Etihad Stadium