Liverpool Oo Wadada Guusha Ku Soo Noqotay Xilli Ay Guul Weyn Ka Gaareen Wolves.

0
133

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Liverpooln ayaa soo gashay kaalinta lixaad ee kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii ay guul muhiim ah ka gaareen kooxda Wolves oo marti ku aheyd garoonka Anfield.

Reds oo kulankeedii ugu danbeeyay ee horyaalka barbaro gashay ayaa 2-0 caawa kaga takhalustay kooxda dhibka badan ee Wolves.

Goolal ay kala dhaliyeen Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah ayaa ka caawiyay kooxda Jurgen Klopp guushii caawa iyagoo haatan leh 39 dhibcood, waxayna lix dhibcood ka danbeeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Tottenham oo kulan sii hor ciyaartay, laakiin Newcastle oo ku jirta kaalinta shanaad ayaa waxaa u harsan kulan marka loo eego Liverpool.

Qeybtii hore ee ciyaarta wax badan ma aysan sameynin labada kooxood, iyadoo Elliot uu helay fursadii ugu fiicnaa ee Liverpool halka Wolves ay heshay kaliya hal darbo, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Daqiiqadii 65aad Liverpool ayaa mooday inay ciyaarta hogaanka u qabteen markii uu shabaqa soo taabtay Darwin Nunez laakiin goolka waxaa diiday VAR oo xukmisay in Jota uu qalad ku galay Kilman ka hor goolka.
Daqiiqadii 73aad ayayse Liverpool si rasmi ah hogaanka ugu qabatay ciyaarta markii goolhaye Sa uu ka badbaadiyay Virgil van Dijk kubad madax aheyd, laakiin kubada waxaa dib u helay Jota oo u soo celiyay Van Dijk oo shabaqa ku hubsaday.

Afar daqiiqo ka dib Liverpool waxay heshay goolkii labaad ee ciyaarta oo ay ku xaqiijisteen natiijada markii Tskimikas uu kubad u soo celiyay Mohamed Salah oo isna shabaqa dhex dhigay.

Lixdii ciyaareed ee uu Mohamed Salah joogay Liverpool waxa uu dhaliyay in ka badan 20 gool tartamada oo dhan.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Liverpool ku qaarjisay Wolves.