HORDHAC: Man United v West Ham – Ten Hag Oo FA Cup U Jeedsanaya, Hammers Oo Marti U Ah, Shaxaha & Xogaha Kulanka.

0
113

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Man United oo Axadii kusoo guuleysatay tartanka Carabao Cup ayaa caawa markale dareenkeeda u jeedinaysa dhinaca FA Cup oo ay Old Trafford ku qaabilayso kooxda ree London ee West Ham United.

Labada kooxood ayaa midii guuleysataa u gudbi doontaa wareega siddeed dhammaadka tartanka, Man United ayay koobabka maxaliga ahi muhiim u yihiin xilli ciyaareedkan xilli ay Hammers doonayaan inay sii wadaan guushii ay Nottingham ku xasuuqeen Sabtidii.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Man United waxa ka maqnaan doona Christian Eriksen, Donny van de Beek iyo Anthony Martial halka Ten Hag sidoo kale sheegay inuusan hubin taam ahaanshaha kulankan ee Fred iyo Luke Shaw.

Maguire iyo Lindelof ayaa daafaca dhexe kusoo wada bilaaban kara iyagoo la dhammaystiraya afarta daafac Wan Bissaka iyo Malacia.
Sabitzer iyo McTominay ayaa doorka labada khad dhexe dheeli kara halka Bruno Fernandes ka dambayn karo Sancho, Garnacho iyo Weghorst.

West Ham dhinaceeda waxay waayaysaa xiddigaha kala ah Vladimir Coufal, Kurt Zouma, Maxwel Cornet iyo goolhaye Fabianski oo ku dhaawacmay kulankii Nottingham.

Shaxaha Macquulka Ah

Man United (4-2-3-1): Heaton; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Malacia; McTominay, Sabitzer; Sancho, Bruno Fernandes, Garnacho; Weghorst

West Ham (4-3-3): Areola; Johnson, Kehrer, Aguerd, Cresswell; Rice, Soucek, Paqueta; Bowen, Antonio, Benrahma

Xogta Kulanka

Tartanka: FA Cup

Garoonka: Old Trafford

Wakhtiga: 10:45 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Michael Salisbury