FIFA Oo Shaacisay Tababarihii Ugu Fiicnaa Sannadka Waa Kuma?

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni ayaa ku guuleystay macallinkii ugu fiicnaa kubadda cagta sannadkii tegay, kaddib markii uu dalkiisa u qaaday Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Qatar.

Lionel Scaloni ayaa waxa uu abaal-marinta tababaraha sannadka ee FIFA uu kula tartamayay Carlo Ancelotti oo Real Madrid ku hoggaamiyey Champions League iyo horyaalka Spain ee LaLiga iyo Pep Guardiola oo kooxdiisa Manchester City ay ku guuleystay Premier League.

Codadkii ugu badnaa ayaa waxa helay Lionel Scaloni, waxaana guuleystaha ku dhawaaqay Fabio Capello oo hore Carlo Ancelotti ugu doortay tababarihii ugu fiicnaa taariikhda Talyaaniga iyo Enganamouit.

Dhinaca haweenka, waxa tababarihii ugu fiicnaa ku guuleysatay Sarina Wiegman oo ah tababaraha xulka qaranka Ingiriiska oo ka qaadday Sonia Bompastor oo Lyon tababare u ah iyo Pia Sundhage oo ah macallinka xulka qaranka haweenka Brazil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here