RASMI: Liverpool Oo La Murugaysan Xasuuqii Real Madrid Ayaa La Ganaaxay

0
104

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Liverpool oo la murugaysan guul-darradii xanuunka badnayd ee ay kala kulmeen Real Madrid oo xalay ku karbaashtay 5-2 ayaa waxa lagu wargeliyey in lagu riday ganaax hore loogu sii sheegay in ay mutaysanayaan.

Liverpool oo ku jirta xaalad adag oo la is-weydiinayo sida ay uga soo kaban karayaan burburkii ay Real Madrid u geysatay, ayaa waxa la shaaciyey in uu ganaax ku riday xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska oo ku eedeeyey dhaqan-xumo ay sameeyeen ciyaartoydeedu.

Xidhiidhka FA ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray, wxa uu ku sheegay in Liverpool lagu ganaaxay inay bixiyaan £25,000 Gini, kaddib rabshaddii ka dhacday garoonka Anfield ee ciyaartii Merseyside derby horraantii bishan.

War-saxaafadeed uu FA-gu soo saaray ayaa lagu sheegay, in kaddib markii ay Liverpool iyo Everton ku guul-darraysteen inay xakameeyaan ciyaartoydooda kulankoodii Anfield, in labada kooxoodba lagu riday lacago ganaax ah kaddib baadhitaano ay sameeyeen guddida anshaxaha ee xidhiidhka kubadda cagta Ingiriisku.

Ganaaxa labada kooxood ayaa noqday mid kal duwan oo ciqaabta adag la marsiiyey Everton oo uu goolhaye Jordan Pickford uu qabsaday Andy Robertson isla markaana ciyaartoyda labada kooxood ay u dhowaadeen inay gacanta iskula tagaan.