Real Madrid Oo Anfield Ku Xasuuqday Liverpool, Labo Gool Oo Looga Hormaray Ayay SHAN Ku Bedeleen.

0
120

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Real Madrid ayaa hal lug la sii gashay wareega sideed dhamaadka Champions League ka dib markii ay guul soo laabasho waali ah ka gaareen kooxda Liverpool oo marti loogu ahaa Anfield.

Labo gool oo ay ku hormartay Liverpool ayaa loogu bedelay shan gool iyadoo Los Blancos ay ku dabaaldegtay Anfield.

Darwin Nunez iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool hogaanka u dhiibay laakiin min labo gool ay kala dhaliyeen Vinicius Jr iyo Karim Benzema iyo gool uu dhaliyay Mendy ayay Real Madrid ku xasuuqday Reds.

lcimg 745814f0 7bcc 4766 be58 484e5e160fa6

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si waali ah iyadoo Darwin Nunez uu hogaanka u dhiibay Liverpool daqiiqadii afaraad ka dib karoos uu ka helay Mohamed Salah isagoo dabamariyay goolhaye Courtois.
Toban daqiiqo ka dib Liverpool ayaa heshay goolkii labaad markii Courtois uu ka daahay kubad uu u soo celiyay Carvajal, waxaana ku soo gaaray Mohamed Salah oo shabaqa ku hubsaday. Xiddiga reer Masar ayaana noqday xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Liverpool tartamada Yurub.

Daqiiqadii 21aad Real Madrid ayaa gool soo ceshatay, weliba waxa uu ahaa gool aad u qurux badan oo uu Vinicius Jr si cajiib ah u dabamariyay goolhaye Alisson.

Daqiiqadii 36aad goolhaye Alisson ayaa hadiyad qaali ah siiyay Real Madrid ka dib markii kubad loo soo celiyay uu damcay inuu bixiyo balse wuxuu ku dhuftay cagta Vinicius Jr taasoo keentay inay kubada shabaqa ku nasato oo ay ciyaarta noqoto barbaro 2-2 ah oo lagu kala nastay qeybtii hore.

lcimg 521a6dbf 8e21 47bb 9ad6 762d1a606d19

Labo daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad, Real Madrid waxaa goolka agtiisa loo dhigay laad xor ah, iyadoo Modric uu kubada soo qaaday waxaana madax ku dhaliyay Militao oo ciyaarta ka dhigay 3-2.

Daqiiqadii 55aad Real Madrid ayaa sii dheereysatay hogaankeeda ciyaarta mar kalena waxaa qalad ku lahaa Gomez oo qaab ciyaareed xun soo bandhigay, kubad ka soo baxday Benzema oo ku dhacday Gomez ayaa waxay si sahlan ku dabamartay goolhaye Alisson.

Daqiiqadii 67aad Real Madrid ayaa ciyaarta hurdo u dirtay iyagoo helay goolkoodii shanaad. Vinicius Jr ayaa kubad u dhigay Benzema oo aan ka labalabeynin inuu kubada shabaqa cusjiyo iyadoo hal mar garoonka Anfield uu aamusay.

lcimg aecb18a3 3f51 4036 9765 51c4cf7537ba

Ciyaarta waxay ku soo dhamaatay Real Madrid oo 5-3 ku xasuuqday Real Madrid, waxayna hal lug la sii galeen wareega sideed dhamaadka Champions League.

Reds oo ka murugeysaneyd in Los Blancos ay koobka ka qaaday xilli ciyaareedkii hore ayaa mar kale lagu ciilay garoonkooda.