HORDHAC: RB Leipzig v Man City – Xiddigo Laf-Dhabar Ah Oo Cityzens Ka Maqan, Pep Oo Kooba Uu Ku Waalan Yahay Ciyaaraya, Shaxaha & Xogaha Kulanka.

0
99

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Man City ayaa wareega 16-ka Champions League lugta hore caawa u safraysa Germany iyadoo booqanaysa dhigeeda RB Leipzig.

Kulankan ayay City ka maqan yihiin xiddigo shaxdeeda muhiim ka ahi, Pep Guardiola ayaa markale bilaaban doona safar uu ku doonayo inuu iskaga maydho ceebta ah inuusan Lionel Messi la’aantii Champions League qaadi karin.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

RB Leipzig waxa ka maqnaan doona saddexleyda muhiimka ah ee Peter Gulacsi, Dani Olmo, iyo Abdou Diallo balse soo laabashada Nkunku iyo Konrad Laimer ayaa muhiim u ah tababare Marco Rose.

City dhinaceeda waxa ka maqnaan doona John Stones oo horeba u dhaawacnaa, Aymeric Laporte iyo Kevin De Bruyne oo isaga dhaawac muruq ahi gaadhay.
Pep ayaa la filayaa inuu markale shax ciyaareedka 3-2-4-1 kusoo shirtago iyadoo Walker, Dias iyo Ake saddexda daafac dheelayaan.

Silva iyo Rodri ayaa khadka dhexe ee dambe kusoo wada bilaaban kara iyadoo Phil Foden uu buuxinayo doorkii No.10 ee Kevin De Bruyne.

Shaxaha Macquulka Ah

RB Leipzig (4-2-3-1): Blaswich; Klostermann, Orban, Gvardiol, Raum; Schlager, Laimer; Szoboszlai, Forsberg, Werner; Silva

Man City (3-2-4-1): Ederson; Walker, Dias, Ake; Rodri, Bernardo; Mahrez, Alvarez, Gundogan, Grealish; Haaland

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Red Bull Arena

Garsoore: Serdar Gozubuyuk (Netherlands)

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here