kooxda Barcelona Oo Xiddig Laf-dhabar Ah Ka Doonaysa Manchester City.

0
81

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay ka fiirsanayso in ay u dhaqaaqso saxeexa xiddig laf-dhabar u ah Manchester City oo uu ku dhaarto tababare Pep Guardiola, kaas oo uu Xavi doonayo in uu yimaaddo Camp Nou xilli ciyaareedka dambe.|

Barcelona oo luminaysa xiddigeeda khadka dhexe ee Sergio Busquets oo uu qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan, isla markaana diiddan in uu kordhiyo heshiiskiisa ayaa waxay raadinaysaa kubbad-burburiye wanaagsan oo booskiisa buuxin kara.

Inkasta oo khadka dhexe ay Barcelona ku haysato Pedri, Frenkie de Jong, Pablo Torre, Gavi iyo Franck Kessie, hddana waxay doonayaa inay la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester City ee Rodri, kaas oo ay adag tahay in kooxdiisu ay si fudud kusii deyso.

Sida uu qoray wargeyska Football Insider, Barcelona ayaa diyaarinaysa dalab xooggan oo xambaarsan £80 milyan oo Gini oo ay duldhigi doonto 26 jirkan reer Spain marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee June.

Rodri oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Atletico Madrid ka hor intii aanu sannadkii 2013 tegin Villarreal oo uu ciyaartiisii koowaad u saftay 2015, ayaa u saftay 84 ciyaarood ka hor intii aanu dib ugu laabanin Atletico Madrid  oo uu bandhig heersare ah ka sameeyey xilli ciyaareedkii 2018-19 oo uu u ciyaaray 47 kulan oo dhamaan tartamada ah.

Manchester City ayaa afartii sannadood ee ugu dambeeyey uu ku sugnaa isaga oo u saftay 185 ciyaarood oo uu u dhaliyey 15 gool iyo 14 kale oo uu caawiyey, waxaanu kula guuleystay laba Premier League, laba EFL Cup iyo Community Shield.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa lala xidhiidhinayaa Ilkay Gundogan oo qandaraaskiisa Manchester City uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan iyo Bernardo Silva oo hore u muujiyey in uu doonayo inuu ka ciyaaro Camp Nou.