Liverpool Oo Soo Afjartay Rikoodhkii Guul-darro La’aanta Newcastle Xilli Ay Nunez Iyo Gakpo Qaybsadeen Goolasha.

0
52

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta L;iverpool ayaa guul dahabi ah kasoo gaadhay toban ciyaartoy oo Newcastle ah oo ay ku booqatay St James’ Park, kulan ay diiwaanka goolasha isku qoreen saxeexyda cusub ee Darwin Nunez iyo Cody Gakpo, kuwaas oo min hal gool dhaliyey qaybtii hore.

Reds ayaa soo afjartay 17 ciyaarood oo xidhiidh ahaa oo horyaalka Premier League aan laga badinin Newcastle United oo booska kaalinta afraad laga furfuri la’aa, waxaana Liverpool sare ugu soo kacday kaalinta siddeedaad iyaga oo lix dhibcood u jirsaday booska kaalinta afraad.

Liverpoo

Liverpool ayaa 45 daqiiqadood kga takhalusta Newcastle United oo halmar oo kaliya hore looga soo badiyey xilli ciyareedkan horyaalka Premier League, waxaana kulankaas horena garaacday Liverpool.

Darwin Nunez ayaa gool qurux badan ciyaarta ku furatay daqiiqaddii tobnaad ee bilowga markaas oo kubbad uu ka helay Trent Alexander-Arnold oo uu la dhaafay difacyahannada darbad xooggan ku weydaariyey goolhaye Nick Pope.
Toddoba daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu Mohamed Salah ciyaaray kubbad farshaxan ah oo uu difaacyahannada Newcastle United ka dul-qaaday isaga oo meel cidlo ah u dhigay Cody Gakpo oo shabaqa ku hubsaday.

Darwin

Liverpool ayaa guusheeda isku qirtay markii ay labada gool keensadeen, hase yeeshee Newcastle United ayaan is-dhiibin oo weerarbadan iyo cadaadis ku haysay goolka uu waardiyaha ka ahaa Alisson.

Allan Saint-Maximin ayuu nasiibku diiday qaybtii hore ee ciyaarta, waxaana darbad xoogan oo xerada ganaaxa dhaxeeda ah oo uu ku toogtay goolka si dhib badan ku badbaadiyey goolhaye Alison oo sidoo kalena fursad dahabi ah ka dafiray Alexander Isak.

Cody Gakpo

Miguel Almiron khiyaameeyey difaaca Liverpool oo isaga oo offside ku jira sugay inta ay kubaddu la sinmayso kaddibna qaatay boos-cajiib ah oo baas uu ka helay Saint-Maximin ula tegay Alisson oo kubadda ku beegay.

Newcastle United ayaa niyad-jabtay daqiiqaddii 22aad ee ciyaarta, waxaan qalad xun sameeyey goolhaye Nick Pope oo gacan ku qabsaday kubbad loosoo tuuray Mohamed Salah oo difaacyahannada uu kala soo dheereeyey.

Garsooraha  ayaa kaadh casaan ah oo toos ah siiyey Pope, waxaanay taasi keentay in tababare Eddie Howe uu beddelo Elliot Anderson oo uu soo geliyo goolhaye Dubravka oo kubbado badan badbaadiyey.

Nick Pope

Darwin Nunez ayaa ku dhowaaday inuu gool kale dhaliyo qaybtii labaad, waxaana kubbad uu dhinaca bidix kala soo galay uu goolka ku toogtay darbad awood badan oo uu Dubravka si dhib badan ku badbaadiyey.

Diogo Jota oo beddel kusoo galay ayaa laba fursadood oo dahabi ah lumiyey. Kubbad madax ahayd oo uu goolka hortiisa ka helay ayaa uu dhinac mariyey barita, sidoo kalena madax kale ayuu dhamaadkii ku qabtay waxaana lugta la tiigsaday Firmino balse dibedda ayay uga baxday.

Liverpool ayay guushu ku raacday 2-0, waxaanay soo galeen kaalinta siddeedaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League iyaga oo yeeshay 35 dhibcood, waxaanay isku dhibco yihiin Brighton oo booska toddobaad ku jirta.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu hadda isku diyaarin doontaa ciyaarta Real Madrid ee lugta hore ee wareegga 16ka Champions League ay Salaasada wada ciyaari doonaan, taas oo ay ku tegi doonaan jawi wanaagsan.