Barcelona Oo Guul Ciriiri Ah Ka Gaartay Real Betis & Sideed Dhibcood Oo Ay Ku Qabteen Hogaanka LaLiga.

0
96

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Barcelona ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga oo baaqi u ahaa labada kooxood.

Kulanka ayaa ahaa mid adag oo ay labada kooxoodba si fiican u ciyaareen isla markaas doonayeen 3-da dhibcood.

Kooxda Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Real Betis ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah qaadaysay.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro gool la’aan ah iyada oo labada kooxoodba si fiican u difaacdeen goolkooda.

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay hogaanka u qabtaan ciyaarta.
Barcelona ayaa cadaadis waali ah saartay Betis kuwaas oo ay ka go’nayd in ay dhaliyaan goolka 1-aad.

Daqiiqadii 65-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Raphinha kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 80-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Robert Lewandowski kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Kooxda Real Betis ayaa daqiiqadii 85-aad heshay gool waxana si khaldan isaga dhaliyay xiddiga Jules Kounde kaas oo Rajo kooxda Betis ciyaartana ka dhigay 2/1.

Betis ayaa dar-dar waali ah la timid kadib goolka ay dhaliyeen waxana ay doonayeen in ay dhaliyaan goolka bar-baraha laakiin Barcelona ayaa si fiican u difaacatay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul dirqi ah isla markaas sii xoojisatay hogaanka horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.