HORDHAC: Real Betis v Barcelona – Barca Oo Tijaabo Adagi Sugayso, Lewandowski Oo Soo Laabtay, Shaxaha & Xogaha Kulanka.

0
51

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Barcelona ayaa isku dayi doonta inay halkeeda kasii wadato qaab ciyaareedka wanaagsan ee ay hoggaanka La Liga ku hayso kulanka ay caawa u safrayaan magaalada Seville iyagoo halkaas kula ballansan Real Betis.

Barca ayaa haatan shan dhibcood oo saafiya ka sarreysa kooxda horyaalka difaacanaysa ee Real Madrid, guul ay caawa gaadhaan ayay si kumeel-gaadh ah hoggaanka siddeed dhibcood ugu sii qaban doonaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Real Betis ayuu markale ka maqnaan doonaan Juan Cruz oo dhaawac muruqa ah qabaa, waxa shaxda kusoo laaban kara Nabil Fekir iyo Juanmi oo kursiga keydka kusoo bilawday ciyaartii ugu dambaysay kaddib dhaawac ay kasoo kabteen.

Barcelona waxa ka maqnaan doona Ousmane Dembele oo isagana dhaawac muruqa ahi ku haleelay kulankii toddobaadkan ee Girona.
Warka u fiican Barca ayaa ah soo laabashada Ferran Torres iyo Robert Lewandowski oo labaduba in mudo ah ganaaxyo kaga maqnaa.

Christensen ayaa daafaca dhexe kusoo bilaaban doona isagoo kasoo hormaraya Eric Garcia oo kulankii Girona ciyaaray.

Frankie De Jong ayaa laga yaabaa inuu doorka No.6 dheelo halka Ferran Torres kasoo hormari karo Ansu Fati kaddib dhaawaca Dembele.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Betis (4-2-3-1): Silva; Sabaly, Pezzella, Felipe, Miranda; Rodriguez, Carvalho; Canales, Fekir, Henrique; Iglesias

Barcelona (4-2-3-1): ter Stegen; Kounde, Araujo, Christensen, Alba; Gavi, de Jong, Pedri; Raphinha, Lewandowski, Torres

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Estadio Benito Villamarin

Garsoore: Ricardo De Burgos

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa.