Barcelona Oo Dhirbaaxo Weyn Kasoo Gaadhay Suuqa Iibka Iyo Xiddigii U Calaamadsanaa Oo Doortay Kooxda Ay Xafiiltamaan.

0
104

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayay jug weyni kasoo gaadhay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January, waxaana dhabarka u jeediyey xiddig u calaamadsanaa oo doortay koox ay xafiiltamaan, isla markaana ogolaaday heshiiska loosoo bandhigay.

Barcelona ayaa doonaysay inay la saxeexato Arnau Martinez ka hor inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu, hase yeeshee laacibkan ayaa diiday inuu tago Camp Nou, waxaana uu ka doorbiday inuu ka dego Wanda Metropolitano.

Arnau Martinez oo ay da’diisu tahay 19 jir, kana ciyaara difaaca midig ayaa waxa uu ka tirsan yahay naadiga reer Catalonia ee Girona, waxaanay Barcelona doonaysay inuu u buuxiyo booska uu bannaynayo Hector Bellerin oo la sheegay inay Barcelona iska dirayso saacadaha kooban ee ka hadhsay suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January.

Wariyaha ciyaaraha ee David Ornstein ayaa sheegay, in Sporting Lisbon ay u dhowdahay saxeexda Hector Bellerin oo u gelaya booska Pedro Porro oo ay la saxeexanayso Tottenham.

Barcelona ayaa waxay difaaca midig ka ciyaarsiin kartaa Sergio Roberto, Jules Kounde iyo Erik Garcia, hase yeeshee tababare Hernandez ayaa rumaysan in aanu midkoodna ahayd difaac midig oo dabiici ah, sidaas darteedna ay tahay inuu la saxeexdo ciyaartoy si dhab ah booskaas u buuxin kara.

Matteo Moretto oo ka tirsan warbaahinta Relevo ee xarunteedu tahay Spain ayaa waxa uu sheegay, in Pavard iyo Martinez ay saaran tahay diiradda Xavi Hernandez, hase yeeshee ay Atletico Madrid jallaafo u dhigtay oo ay ka hor qaadday.