Sacuudiga oo qabtay 30 tan oo maandooriyaha jaadka ah.

0
137

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabteen ku dhawaad 30 tan oo qaadka yar yar ah ee maandooriyaha ah bishan, taasoo qayb ka ah olole ballaaran oo lagu qaaday maandooriyaha oo ay waddo Boqortooyada qaniga ku ah shidaalka.

Maamulka xudduudaha Sacuudiga ayaa 29.2 tan oo qaad ah ku qabtay koonfurta dalkaasi, una dhow xudduudda Yemen, iyo sidoo kale waqooyiga u dhow Urdun, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sacuudiga.

Qaadkan ayaa la qabtay intii u dhaxaysay 3-24 December, sida ay sheegtay walaaladda SPA, waxaana la xiray in ka badan 360 mukhalasiin ah oo la sheegay in ay u badan yihiin Yemeni, iyada oo sidoo kale la xiray qaar kale oo Itoobiyaan iyo Suncuudiyiin ah.

Dalka Yemen oo ay dagaallo sokeeye ka socdeen tan iyo sannadkii 2014-kii, isla markaana muddada dheer dalalka Jaziiradda Carabta ugu faqiirsanaa, ayaa ah dalka ugu badan ee soo saara, isla markaana cuna Qaadka, kaasoo mamnuuc ka ah dalalka qaarkood.

Maandooriyaha qaadka ayaa caan ka ah Yemen, Itoobiya iyo Soomaaliya.