Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka warshadaynta.

0
108

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa ka qaybgalay shirka madaxeedka Midowga Afrika ee ku saabsan warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey.
Madaxda shirka kasoo qeyb gashay ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in
Qaaradda Afrika gaarto isku filnaansho dhaqaale isla markaana la dardar geliyo
wax soo saarka iyo warshadaynta iyadoo la isu dheelli-tirayo maalgashiga.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in horumarinta warshaduhu ay lagama
maarmaan u tahay in Afrika ay horumarto iyadoo ka faa’iidaysanaysa
kheyraadkeeda iyo ballaarinta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Afrika.