“Waxaan ka farriisan doonaa ciyaaraha haddii Portugal ay ku guuleysato Koobka Adduunka 2022” – Ronaldo

0
122

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Xiddiga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay in uu isaga fariisan doono kubadda cagta haddii uu xulkiisa ku guulaysto koobka aduunka 2022 ee ka dhacaya dalka Qatar.

Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya koobkii aduunka ugu dambeeyay ee xirfadiisa kubadda cagta, maadama uu koobka aduunka bilaaban doono Axada soo socota.

Cristiano Ronaldo ayaa ku jira waqtigiisii ​​ugu xumaa ee kubbada cagta, sababa la xiriira inuusan si joogta ah uga qeyb qaadan Manchester United xilli ciyaareedkan.

Wuxuuna xaalka sii xumaaday kaddib wareysigii xiisaha badnaa ee xiddiga reer Portugal uu la yeeshay saxafiga caanka ah ee Piers Morgan, kaasoo ku riixi doona maamulka Red Devils inay joojiyaan qandaraaskiisa sababtoo ah waxa uu ka sheegay kooxda.

Inta uu ku guda jiray Cristiano Ronaldo wareysigii uu siiyay Piers Morgan, wuxuu sheegay inuu 100% ka fariisan doono kubadda cagta haddii Portugal ay ku guuleysato Koobka Adduunka sanadkan.

Cristiano Ronaldo ayaa yiri: “Waan ka fariisan doonaa haddii Portugal ay ku guuleysato Koobka Adduunka? Waa hubaal, 100% waan ka fariisan doonaa.”

“Waan ka mahadcelinayaa jaceylka ay taageerayaashu ii qabaan xitaa marka aanan ciyaarin, xitaa marka ay i dhaleeceeyaan, taasi mar walba waxay ku jiri doontaa qalbigeyga. Taageerayaasha mar walba qalbigeyga ayay ku jiri doonaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here