Romario tallo muhiim ah ujeediyay Neymar kahor inta uusan bilaabin ololahiisa Koobka Adduunka Qatar 

0
118

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)Halyeyga reer Brazil Romario, oo dalkiisa kula guuleystay Koobka Adduunka, isla markaana ah gooldhaliyaha ugu sarreeya daabacaaddii 1994, ayaa kula taliyay Neymar, kahor inta uusan bilaabin ololahiisa Koobka Adduunka ee Qatar 2022, inuu iska indha tiro dhaleecayn kasta, isla markaana uu xooga saaro sida uu ugu guuleysan lahaa koobka.

Fariintan ayaa lagu daabacay (The Players Tribune Brazil) oo ah shabakad ay hal-abuureen ciyaaryahano hore, Romario ayaa ammaan u soo jeediyay Neymar, isla markaana tilmaamay muhiimadda ay u leedahay xiddigan sita maaliyada lambarka 10-aad, in Brazil ay ku guuleysato koobkeedii lixaad 20-sano kaddib markii ay ku guuleysatay koobkii ugu dambeeyay ee Koobka Adduunka.

Si loo gaaro yoolkan, laacibkii hore ayaa carabka ku adkeeyay in Neymar uu iska ilaawo dhaleeceynta iyo dhibaato kasta oo kale oo ka jirta garoonka dhexdiisa.

Romario oo la hadlayay Neymar Jr, wuxuu yiri:

“Ka qayb qaado garoonka dhexdiisa, iskuna day inaad illowdo inta kale, dhammaan qaylada dibadda ka imanaysa, taasi waa waxa aan had iyo jeer idhaahdo.”

“Sii wad in aan muhiimad siin waxa ay dadka kale kaa sheegaan, taageerayaasha Brazil inta badan ma garanayaan sida ay u adag tahay in si heer sare ah loo ciyaaro koobka adduunka, waana tartan aan ogolayn khaladaadka.”

Fariinta Romário ayaa timid kaddib markii Neymar uu eedeyn kala kulmay wargeys Jarmal ah, inkastoo uusan wali bilaabin olalihiisa koobka adduunka Qatar ee 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here