Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka wareegga 16-ka Champions League?

0
150

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa la shaaciyey xilliga la sameyn doono isku aadka wareegga 16-ka UEFA Champions League 2022/23.

Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegi doonnaa jawaabaha su’aalo laga yaabo inaad iska weydiinayso isku aadka wareegga 16-ka Champions League.

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka wareegga 16-ka Champions League?

Isku aadka wareegga 16-ka UEFA Champions League xilli ciyaareedka 2022/23 ayaa la samayn doonaa sida la qorsheeyey Maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu tahay 7-da bisha November marka ay saacadda geeska Afrika tahay 2:00 Duhurnimo, waxaana lagu qaban doonaa Magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

Waa kuwee kooxaha u soo gudbay wareegga 16-ka Champions League?

Kooxaha ku soo baxay kaalinta koowaad ee Guruubkooda:-

Bayern (GER)
Benfica (POR)
Chelsea (ENG)
Man City (ENG)
Napoli (ITA)
Porto (POR)
Real Madrid (ESP)
Tottenham (ENG)

Kooxaha ku dhammaystay kaalinta labaad ee Guruubkooda:-

Club Brugge (BEL)
Dortmund (GER)
Frankfurt (GER)
Inter (ITA)
Leipzig (GER)
Liverpool (ENG)
Milan (ITA)
Paris Saint-Germain (FRA)

Siduu u shaqeynayaa isku aadka wareegga 16-ka Champions League?

>- Isku aadka ayaa ka kooban 16 kooxood oo kala ah siddeed naadi oo kaalinta koowaad kaga soo baxay guruubkooda iyo siddeed ku dhammaystay kaalinta labaad ee guruubkooda.

>- Waxaa la sameyn doonaa labo dheri oo ay ku kala jiraan siddeeda kooxood ee kaalinta koowaad ku dhammaystay guruubkooda iyo mid kale oo ay ku jiraan siddeeda kooxood ee kaalinta labaad ku dhammaystay.

>- Ma jiri doonto koox wareegga 16-ka ku aadi karta koox ay isku guruub ka soo wada baxeen ama koox ay isku dal yihiin, waxaana xayiraadahaas looga dhawaaqi doonaa xafladda isku aadka.

>- Kooxaha kaalinta koowaad kaga soo dhammaystay guruubkooda Champions League ayaa lugta hore ee wareegga 16-ka marti noqon doona oo ku soo ciyaari doona meel ka baxsan garoonkeeda, halka lugta labaadna ay garoonkooda ku ciyaari doonaan.

Goorma ayuu bilaabanayaa wareegga 16-ka Champions League?

Lugaha hore ee wareegga 16-ka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 14/15 & 21/22 bisha Febraayo, halka lugaha labaadna ay kooxuhu ciyaari doonaan 7/8 & 14/15 Maarso, waxaana la baasan doonaa 11:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Maxay yihiin Taariikhaha muhiimka ah ee aad sidoo kale doonayso inaad ogaato?

>- Isku aadka wareegga siddeed dhammaadka iyo afar dhammaadka ayaa la samayn doonaa 17 Maarso 2023.

>- Siddeed dhammaadka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 11/12 & 18/19 bisha April sanadka 2023.

>- Afar dhammaadka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 9/10 & 16/17 bisha May sanadka 2023.

>- Kulanka Final-ka Champions League ayaa la ciyaari doonaa 10-ka bisha June sanadka 2023.

Final-ka Champions League ee 2022/23 waxa uu ka dhici doonaa 10-ka bisha June sanadka 2023 garoonka Atatürk Olympic Stadium ee Magaalada Istanbul, halkaasoo ahayd halkii lagu ciyaaray kulankii soo laabashada cajiibka ah ay Liverpool ku samaysay AC Milan Final-kii tartankan ee 2005.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here