HORDHAC: Liverpool v Napoli – Reds Oo Ceeb Kale Ka Ordaya, Napoli Oo Lix Bilood Guuldarro La’aan Ah & Xogaha Kulankan.

0
119

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa qaabilaysa dhigeeda ree Talyaani ee Napoli xilli aysan rajo badan ka qabin inay booska koowaad ee Champions League kaga baxayso Group-keeda.

Reds ayaa u baahan farqi afar gool ah si ay booska koowaad uga xoogaan Napoli, waxa xusid mudan in kooxda ree England xaalad xun ku jirto halka kooxda Serie A ka socota aan xilli ciyaareedka dhan laga adkaan guuldarrona ay ugu dambaysay bishii April ee sanadkan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Liverpool ayay ka maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Joel Matip, Diogo Jota, Luis Diaz iyo Arthur Melo. Waxa iyagu tababarka kusoo laabtay Naby Keita iyo Chamberlain balse aan hore loogu darin safka Liverpool ee Champions League.

Konate ayaa la filayaa inuu daafaca dhexe ee Reds kala soo muuqdo Van Dijk isagoo Gomez booska kala baxaya, Fabinho iyo Thiago ayaa markale khadka dhexe kaga soo hormari kara kabtan Henderson.

Sidoo kale Elliot iyo Carvalho ayaa garbaha weerarka dheeli kara iyadoo Darwin Nunez iyo Mohamed Salah booska labada weeraryahan ciyaari karaan.

Napoli ayay dhaawacyo kaga maqnaan doonaan xiddigaha kala ah Amir Rrahmani iyo Salvatore Sirigu xilli tababare Luciano Spalletti uu isbedelo badan ku samayn doono shaxdiisa asaasiga ah.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Liverpool (4-4-2): Alisson; Alexander-Arnold, Konate, Van Dijk, Robertson; Elliott, Fabinho, Thiago, Carvalho; Salah, Nunez

Napoli (4-3-3): Meret; Di Lorenzo, Ostigard, Kim, Olivera; Ndombele, Lobotka, Zielinski; Politano, Osimhen, Kvaratskhelia

Xogta Kulanka

Tartanka: Champions League

Garoonka: Anfield

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Tobias Stieler (Germany)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here