Zlatan Ibrahimović oo farriin u diray kooxaha horyaalka Premier League

0
122

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Halyeeyga kubadda cagta ee Zlatan Ibrahimović ayaa ka hadlay saamaynta lacagta ku leedahay kubbadda cagta casriga ah.

Hadalka weeraryahanka kooxda AC Milan ee Zlatan Ibrahimović ayaa imaanaya kaddib wareysi uu ku bixiyay shabakada ESPN, isaga oo sameeyay isbar-bardhig u dhexeeya horyaalada Premier League iyo Serie A.

41 jirka Milan ayaa haatan garoomada kaga maqan dhaawac jilibka ah laakiin waxa uu ka shaqaynayaa in uu si buuxda ugu soo laabto sanadka cusub kadib qaliin lagu sameeyay xagaagii.

Ibrahimovic waxa uu door muhiim ah ka qaatay hanashada horyaalka Serie A ee AC Milan xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu ahaa tusaale lagu daydo iyo hogaamiye saameyn ku leh qolka labiska.

Isagoo ka hadlayay saamaynta ay dhaqaalaha badan ee kooxaha ku keenaan Premier League, Ibra wuxuu yiri:

“Lacagta waxay keentaa fursado badan, Waxayna keentaa beddelka kuwa lacagta haysta oo kan kale aanu keeni karin.”

“Laakin sawaxanka ka jira horyaalka Ingariiska ee ka weyn sawaxanka horyaalka talyaaniga ayaa malaha sabab u ah in awooda dhaqaale ay halkaas ku badato.”

“Laakin taasi waxa ay keeneysaa in kooxaha talyaaniga ay ka hor tagaan xaallada taagan.”

“Tani waxay ka dhigi kartaa in ciyaartoyda kooxaha Talyaaniga ay raadiyaan inay garaacaan kooxaha kale inkastoo ay jiraan kala duwanaansho dhaqaale.”

“Waxaan weli nahay ciyaaryahano xirfad leh, kubadduna weli waa wax wareegsan, annaguna sidaas oo kale ayaan sameynaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here