Steven Gerrard Oo La Ceyriyay & Premier League Oo Tababare Kale Uu Ka Baxay

0
144

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Aston Villa ayaa ceyrisay tababaraheedii Steven Gerrard caawa.

Ka dib qaab ciyaareed xumo soo wajahday kooxda xilli ciyaareedkan ayaa keentay in xiddigii hore ee Liverpool Gerrard laga ceyriyo shaqadiisa ka dib markii ay caawa guuldarro 3-0 kala kulmeen Fulham.

Villa ayaa badisay kaliya labo kulan oo Premier League ah ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan, waxayna fadhiyaan kaliya hal boos ka kor boosaska lagu haro.

Warbixin ay soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Aston Villa Football Club waxay xaqiijineysaa in tababare Steven Gerrard uu kooxda ka tagay sida ugu dhakhsiyaha badan.”

Afhayeen u hadlay Aston Villa ayaa isna yiri: “Waxaan jeclaan laheyn inaan uga mahadcelino Steven shaqadii adkeyd ee uu qabtay, waxaana u rajeyneynaa wanaag mustaqbalka.”

Ka dib markii uu kooxda Rangers ku hogaamiyay horyaalka Scotland markii ugu horeysay muddo 10 sannadood ah, Gerrard ayaa waayihiisa tababarenimo sii watay markii loo magacaabay tababaraha Aston Villa bishii November 2021.

Wuxuu shaqada Villa Park ka bedelay Dean Smith, waxayna xilli ciyaareedkii hore ku dhameysteen kaalinta 14aad.

Balse xilli ciyaareedkan kooxda ay noqotay mid hoos u sii dhacday iyagoo guuleystay kaliya labo kulan horyaalka, waxayna keentay inay qarka u saarnaadaan ka mid ahaanshaha kooxaha u sharaxan inay u dhacaan heerka labaad.

Guuldaradii caawa ka soo gaartay Fulham ayaase xaqiijisay in Steven Gerrard uusan sii ahaan karin tababarahii badbaadin lahaa kooxda faca weyn ee Aston Villa.