Chelsea Oo Guul-darradii Labaad Loo Xambaariyey, Tuchel Oo Xilli Hore Quusanaya & Southampton Oo Siday Doonto Ka Yeeshay Blues

0
176

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul-darradii labaad la kulantay xilli ciyaareedkan bilowga ah, waxaana 2-1 kusoo garaacday Southampton oo bandhig heersare ah ku siqiirisay tababare Thomas Tuchel iyo xiddigihiisa oo shan kulan gudahood lumiyey siddeed dhibcood.

Blues ayaa safar ku tagtay St. Jame’s Stadium, waxaana gool madi ahaa oo qaybtii hore la hormareen loogu beddelay laba gool, iyada oo sidoo kalena dersin fursado ah oo ay Saints ku dhalin karaysay ay iska khasaariyeen.

Ciyaartii koowaad ee Premier League ee la dheelo Salaasa xilli ciyaareedkan ayaa waxay Chelsea ku noqotay musiibo ka galaafatay saddex dhibcood oo kale, taas oo waliba muujisay sida ay uga dhibaataysan yihiin afka hore ee weerarka xilli laba maalmood oo kali ahi ka hadhsan yahay waqtiga uu xidhamayo suuqa iibka ciyaartoydu.

Chelsea 4

Chelsea oo daqiiqaddii 23aad uu hoggaanka u dhiibay Raheem Sterling ayaa waxay Southampton qaybta horeba kaga daba timid darbad xooggan oo uu Romeo Lavia awood u dhaafiyey goolhaye Mendy iyo dersin difaacyahanno ah kubbad uu ka toogtay bannaanka, ka hor intii aanu Adam Armstrong raacinin goolka labaad oo qaybtii dambe, waxaanay ahayd kubbad kusii dhacday Kalidou Koulibaly oo uu goolhaye Mendy gaadhi waayey.

Tababare Ralph Hasenhuttl oo kooxdiisu ay guul-darro kala soo kulmeen Manchester United horraantii toddobaadkan, ayaa guul ay u qalmayeen ka xoogsaday Chelsea oo kala  daadsanayd.

Saints oo ka ciyaaraysay meel walba oo garoonka ah ayaa la moodayay in ay ka badan tahay Chelsea, waxaana bandhig cajiib ah sameeyey xiddigii hore ee Manchester City labada sannadood usoo ciyaaaray ee Lavia ka hor intii aanu uga wareegin Anderlecht oo ay Southampton kasoo qaadatay xagaagan.

Kubbad-sameeyahan oo ay is-khaashanayeen difaaca reer Germany ee 20 jirka ah ee Armel Bella-Kotchap ayaa xuddun u ahaa difaacis sarraysa iyo kubbad si fudud loogu soo riixayay dhinaca goolka Chelsea oo ay birta u garaaceen qaybta hore.

Mendy ayaa badbaadiyey dhawr fursadood qaybtii hore, waxaana xusid mudnayd in Lavia uu kubbad awood badan oo xerada ganaaxa ah oo uu ku toogtay uu Mendy badbaadiyey, ka hor intii aanu darbadda kale shabaqa gaadhsiinin.

Bella-Kotchap ayaa taakal adag ku qabtay Sterling oo uu ka badbaadiyey kubbad halis ahayd oo ay Blues ku heli lahayd goolka barbarraha haddii aanu laacibkani dedaal muujin lahayn, waxaana uu garab ka helay Mohammed Salisu oo qalbiga difaaca dhexe ee Chelsea ee nuuxsiga u diiday Kai Havertz iyo Sterling inkasta oo uu bilowgii weeraryahanka reer England ka baxsaday.

skysports romeo lavia southampton 5881581

Marc Cucurella ayaa kubbad loo qaatay ay taageereyaasha Southampton u qaateen gool oo ay u kaceen soo badbaadiyey markii uu isku-dhigay madax xooggan oo goolka horteeda lagaga qabtay qaybta labaad, kaddib markii uu Mohamed Elyounoussi uu madax kaga qabtay goolka hortiisa.

Thiago Silva ayaa goolka kasoo dhex qabtay kubbad laynka kasii gudbaysa oo dhaaftay goolhaye Mendy xilli ay ciyaartu dhamaad ku dhoweyd, waxaanay kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Southampon.

Natiijadan ayaa ka dhigan, in Chelsea ay haysato toddoba dhibcood iyadoo shan kulan ciyaartay, waxaanay lumisay siddeed dhibcood.