Manchester United Oo Dalbatay Weeraryahan Aanad Rumaysan Karin Kaddib Guul-darradii Ay Kala Kulmeen Brighton

0
196

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa dalab ka gudbinaysa weeraryahan lama filaan ah oo uu Erik ten Hag xal ku meelgaadh ah uga dhibaatada afka hore ee weerarka ee haysata kooxdiisa, iyaga oo waliba guul-darro ku bilowday horyaalka  Premier League ee xilli ciyaareedka cusub.

Manchester United ayaa haysata Cristiano Ronaldo oo doonaya inuu iska tago iyo Anthony Martial oo dhaawacmay Khamiistii, waxaana ciyaartii Brighton ay garoonka kusoo galeen iyadoo aanu ku jirin weeraryahan toos ah, halka labada dhinac uu Ten Hag dhigay Jadon Sancho iyo Marcus Rashford, iyadoo uu Ronaldo kursiga kaydka kasoo kacay qaybtii labaad.

Erik ten Hag ayaa la sheegay in uu ansixiyey dalabka ay kooxdu ka gudbinayso weeraryahanka reer Austria ee Marko Arnautovic oo hore ugu ciyaari jiray West Ham United, laakiin hadda katirsan naadiga horyaalka Talyaaniga ee Bologna.

United ayaa la sheegay in ay laacibkan ku heli karayso £6.8 milyan oo Gini, waxaana hadda socda wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac, hase yeeshee ma jiro wali wax heshiis  ah oo ay dhinacyadu gaadheen.

Laacibkan oo hore uu Erik ten Hag usoo tababaray markii uu joogay FC Twente ayaa la sheegay in uu doonayo inuu ma kale ka hoos ciyaaro oo uu yimaaddo Old Trafford. Sannadkii 2019 ayuu tegay horyaalka waddanka China kaddib waqtiyo uu usoo ciyaaray West Ham United iyo Stoke City.

Erik ten Hag oo wax laga weydiiyey heshiiska Arnautovic kaddib guul-darradii ay kooxdiisu kala kulantay Brighton ayaa diiday in uu ka  hadlo arrintan, laakiin waxa uu sheegay inay jiraan ciyaartooyo badan oo lala xidhiidhinayo kooxdaas, waxa se uu ku dooday in ay xaqiiqo tahay in ay u baahan yihiin weeraryahan kale.

Warka Arnautovic ayaa soo baxaya xilli Manchester United ay sidoo kale la hadashay RB Salzburg oo ay ka doonayso Benjamin Sesko.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here