R/Wasaare Xamse oo sheegay in nasiib daro tahay in shacabka ay gaajo iyo haraad u geeriyoodaan.

0
182

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa khudbad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ay soo abaabuleen aqoonyahanno wax ku soo bartay dalka Malaysia oo ay ku jiraan mudaneyaal ka tirsan BFS, taas oo lagu soo dhaweynayay magacaabistii iyo kalsooni siintii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ka soo baxay Jaamacadaha ku yaal dalka Malaysia. Ujeedka munaasabada ayaa ahaa soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha cusub ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya oo kamid ah aqoonyahanadda wax ku soo bartay dalka Malaysia.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabada ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Shacabkeennu gaajo iyo harraad u dhintaan iyadoo ay biyaha webiyadu u muuqdaan, dalka intiisa badanna la isugu safro diyaarado sababo ammaan dartood, taas oo dowladda iyo shacabkaba uga baahan isbaddel dhab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here