Meydadka Tahriibayaal laga helay Saxaraha Liibiya

0
205

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Meydadka 20 qof oo tahriibayaal isla markaasna maalmo lagu la’aa Saxaraha Liibiya ayaa maanta la helay, iyada oo la aaminsanayay in ay u dhinteen oon iyo gaajiyo, sida ay sheegeen Saraakiisha Gargaarka deg dega.

Meydadka ayaa waxaa helay darawal gaari xamuul ah oo ku safrayay saxaraha meel qiyaastii 120km u jirta xudduudda Liibiya ay la wadaagto wadanka Chad.

Muuqaalo lagu baahiyay Baraha Bulshada ayaa muujinaya Gawaarida Ambalaasta oo daabulaya  Meydadka 20 ruux.

Labo ka mid ah maydadka ayaa u dhashay Liibiya, halka kuwa kalena la rumeysan yahay inay ahaayeen tahriibayaal ka yimid dalka Chad oo doonayay inay u gudbaan Liibiya.

Lama oga in dadka Tahriibayaasha ay kamid yihiin Soomaalida oo inta badan socdaal ku mara dalka Liibiya una sii gudba dalalka Yurub.