Maamulka Gobolka Banaadir oo digniin soo saaray

0
169

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha Maamulka degmada Hiliwaa ee  Gobolka Banaadir Mire Salaad ayaa dadka kunool Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmadaasi Hiliwaa uga digay inay dhistaan hareeraha waddooyinka, taas oo uu sheegay inay wax u dhimeyso bilicda iyo Ganacsiga degmadaas.

Guddoomiyaha oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa kormeeray dhismaha laami saarista ee ka socota Xaafada Suuqa Xoolaha, halkaas oo Maamulka Gobolka uu baneeyay dhismayaal sharci darro ah oo ku yaallay.

Guddoomiyaha degmada Hiliwaa Mire Salaad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la nadiifiyo hareeraha laamiga, sidoo kalena ka maamul ahaan ay dib u dejin u sameyn doonaan dadka ku Ganacsada hareeraha laamiga lagana burburinaayo Goobaha Ganacsi oo ay ka dhisteen hareeraha waddooyinka.

Sidoo kale Guddoomiyaha waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in muddo todobo Cisho gudahood ah ay uga guuraan dadka ku Ganacsada hareeraha wadddooyinka inta aan laga burburin.

Dhowr jeer oo hore  ayaa Maamulka Gobolka Banaadir wuxui burburiyay dhismayaal iyo Goobo Ganacsi oo kuyaallay waddooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho balse markale dib loo dhisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here