Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka ee Jamacadda Carabta

0
241

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagey Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin C/raxmaan Al Casuumi oo si qurux badan ugu soo dhaweeyay xafiiskiisa.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Baarlamaanka Carabta iyo Soomaaliya sidoo kalle Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa Gudoomiyaha ka codsaday in dhalinyaradda soomaaliyeed looga faa’ideeyo tababaradda iyo fursadaha shaqo ee ay bixiyaan baarlamaanka carabta.

Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa bogaadiyay doorka iyo waxqabadka cajiibka ah ee Baarlamaanka Carabta heerarkooda kala duwan si loo gaaro himilooyinka shacabka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here